Safaaradaha ay kuleedahay Liibiya caasimadaha yurub sida: London, Paris,Stockholm, Barlen iyo kuwa kale, waxaa kadhacay bilawgii isbuucaan banaanbaxyo looga soo horjeedo dadka tahribayaasha ah oo lagu kala iibsanaayo Liibiya.
Muuqaal uu baahiyay Talafishinka CNN ayaa lagu arkay dad lakala iibsanaayo oola doonayo in lagu fasho beero, taas oo kicisay in dad faro badan oo kunool daafaha dunida ay ka jawaab celiyaan.
Lovette Jallow oo ah gabar qoraa ah, sidookalana ah aasaasaha Shirkad online makeup sameyso ayaa qabanqaabisay dad kudhaw 4,000 oo qof in ay iskugu yimaadaan caasimada Sweden muujiyaana iney kaxunyihiin waxa ka socdo Liibiya.
Muuqaalkaan oo labaahiyay isbuuci lasoo dhaafay ayaa lagu arkay dhaliyaro kasoo jeedo Niger iyo wadamada saxaraha kahooseeyo kuwaas oo lagu kala iibsanaayo $400 siloogu fasho beeraha.
Tahriibka oo in muddo ah socday ayaa wixii kadanbeeye 2015 tii,waxaa batay dadka utahriibo qaarada Yurub, dadkaas oo intabadan su tahriibo sababo ay kamid yihiin, Amni daro, shaqo la'aan iyo dhaldhalaalka yurub ayagoona naftooda halis galiyo sidii ay ku gaari lahaayeen halkey hiigsanayeen, waloow xaalku uu isbadalo markii latago yurub oo sidii lafilaaye si kaduwan lagala kulmo.
Maxaa lagudboon maanta Dhalinta Soomaaliyeed
waxaa nala gudboon in aan dalkeena hagaagsano oo ku kalsoonaano nafteenena aan halis galin waalidiintana aanan murugo lagalin horaa loodhahay 'dal aan dalkaaga eheen waa dareen kujoog'. Adigoon ogeyn waxaa kaa horeeyo oo ah in Lagu qaabilaayo in Lagu diidaayo hadaaba gaarto halkuu hamigaaga ah an hadana aad naftaada halis galiso waa arin halis ah runtii.
No comments:
Post a Comment