12 Qodob Oo Kuu Sahleysa In Lagu Shaqaaleysiiyo Xiliga Wareysiga. - Caano Magazine

Sheekooyin xiiso leh, Layaabka Dunida, Warbixino, Maqaalo, Ganacsi iyo waxyaabo kale. Like Saar Facebook Page: Caano Magazine

Post Top Ad

Responsive Ads Here

Saturday, January 20, 2018

12 Qodob Oo Kuu Sahleysa In Lagu Shaqaaleysiiyo Xiliga Wareysiga.

Warbixin: waa muhiim in aad sifiican isku diyaariso hadii aatahay shaqodoon gaar ahaan xiliga wareysiga, hadaba wax ka ogoow qodobada ugu muhiimsan Xiliga wareysiga.

Waxaa jiro meelo badan oo laga fiiriyo qofka lashaqaaleysiiyo, hadaba waxaa sigaar ah xooga usaareynaa qodobadaan hoos kuxusan taas oo intabadan shaqadoonka ay kuwaayaan shaqada ay rabaan, qodobadaan waxaa kamid ah:

1:  Wax ka ogaaw Shirkadda 

ma ogtahay in 47%  maamulayaasha uqaabilsan shirkadaha shaqaaleysiinta in ay iska tuuraan codsiyad dadka aan waxba kagaraneyn shirkada ay ushaqeeyaan, hadaba waa in aad wax ka ogaataa shirkada aad kacodsaneyso shaqada adigoo akhrinaya taariikhda shirkadda waxaana ka heli kartaa Website ka shirkadda, Social Media ama Wikipedia.

2:  Iska fiiri Su'aalaha qaar

Inta badan waxaa jiro Su'alaha qaar sida Maxaa Kusoo kordhineysaa shirkadda 5ta sano ee soosocoto hadii lagu qaato? su'aalaha sidaan oo kale ah mararka qaar waxa ay naqan karaan wax ku ool, laakin iska hubi marwalbo, sidookale ogaaw madoonayaan shaqooyinka maalinlaha ah in aad kahadasho, xaaladaan ookale ugu hadal shaqsi ahaan adigoo kaashanaaya waaya aragnimadaadi hore sidookale kasheekey xaaladahaagi shaqo ee hore.

3: U labiso si munaasab ah   

labiska nooca aad qaadandoonto waxa uu ka turjumayaa shqada nooca aad codsaneyso, 70% dadka wax shaqaleysiiyo waxa ay qubaan ama iska indhatiraan codsiyada dadka qaar ayaga oo sheego in ay usoo labisteen qaab FASHION ah loona baahneyn qaabkaas.

4: Horay usooqaado labo Copy oo CV gaaga ah

Wayfiicantahay in uu qofkasta oo wareysi kaaqaadaya heysto CV gaaga taas oo kuu sahleysa in uu qofka kuwarsanaya markale sifiican u akhriyo fursad fiicana ugu helo akhrinta CV gaaga, marka udhiib CV gaaga qofwalbo oo wareysi kulaleh hadii ay macquul tahay.

5: Salaanta gacanta

Tusaale adigoo ah qof rag ah, hadii uu qofkale oo rag ah wareysi kulayeelanaayo waa in aad usalaanta siwacan gacantana aad u akeysaa siwanagsan, maxaa yeelay waxaa lasheegay in 20%  laga tago dadka marka ugu horeysa si dabcan usalaamo qofka kaqaadayo wareysiga.

NB> qodobkaan lagama hadlaayo dad ajnabi kala ah. kaliya dadka ay banaantahay in ay isa salaamaan ayaan kafiireynaa.

6: Mobile ka iska dami xiliga wareysiga

Waa muhiim in aad iska damiso xiliga wareysiga hadii uu kuusoo dhaco Mobile ka waxa uu carqaladeyn karaa wareysigii idiin socday, taas oo kadhalan karto in aadan lagu qaadan.

7: Isku kalsoonaaw

Sida la ogyahay dadka wax shaqaaleysiiya 38% way katagaan qofka aan naftiisa ku kalsooneyn, hadaba muuji kasooni buuxda xiliga wareysiga

  8: Gacmaha kashaqeysii xiliga jawaabta

Markasto oo aad ka jawaabeyso Su'aal waa muhiim in aad gacmahaaga dhaqdhaqaajiso, taasi waxa ay muujinaysaa in ay aad u wanaagsantahay xirfadaada dhanka xiriirka iyo in aad ku kalsoontahay waxa aad sheegeyso.

9: Hal meel hafiirin

Waa muhiim in aadan fiirin kaliya hal meel sida hoostaada ama meel aan loobaahneyn, waa in aad u fiiriisaa qofka kula hadlaayo si kamuuqato kalsooni.

10: Hel Ciwaanka qofka ku warsanaya

Waa muhiim in aad hesho Email ka qofka wareysiga kaa qaadayo hadii ay macquul tahay tana waxaay kaa saacideysaa waxbadan.

11: Waydii waqtiga natiijada

hadii ay wareysi kula yeelanayaan dhowr qof mid kamid ah waxaad weydiisa xiliga balanta, hadii uu hal qof wareysi kaa qaadayana waxaa weydiisaa waqtiga lahelaayo jawaabta udanbeyso.

12: Hadii lagu weydiiyo marabtaa shaqadaan?

haka labalabeyn in aa tahay shaqadoon dhab ah, unasheeg in aad ubaahantahay shaqadaan soona codsatay adiga oo isku kalsoon.








wixii faahfaahin dheeraad ah, talo, sheeko iyo wax aad heyso nagala soo xiriir 

Email: caanomagazine@gmail.comama facebook page CaanoMagazine 



No comments:

Post a Comment

Maroodi yar oo Kalaburiyay Dad rabay in ay Muuqaalo Kaduubtaan

Warbixin: Maroodi yar kaas oo ay kala lumeyn Maroodiyaalkii uu lasocday ayaa la arkay asigoo kala ceyrinaaya dad rabay in ay muuqaalo kad...

Post Bottom Ad

Responsive Ads Here

Pages