Warbixin: waayahan danbe waxaa si aad ah loo xiiseynaye in qofwalbo uu naqdo jir ahaan qof dhisan lehna SIX PACKS hadaba adigoon aadin Gym si fudud kuyeelo Six packs adigoo raacaya tilmaamaha iyo talooyinka soosocda.
Waa muhiim in qofku uu jir ahaan dhisnaado taas oo caafimaadkiisa ay u roontahay hadana ogoow marwalbo oo rabto in aad jirkaaga dhisto waa in aad heysato ama cunto cunno kugu filan, kahor intaana ugalin 5ta qodob waa in aan wax ka ogaano cuntada ladoonayo in lacuno
Cuntada Larabo in Qofku uu cuno
hadii aad rabto in aad dhistid jirkaaga waa in aad cuntaa cunooyinka sida:
a) Hilibka qaar sida doorada ama malaayga
b) Cunooyinka ay kubadantahay Protein ka sida Ukunta
c) Sidoo kale qudaarta waa in aad cutaa gaar ahaan mooska iyo Qaraha
waxaa kale oo muhiim ah in aad cunto cunooyinka qolofta leh sida: Galeyda, Digirta iyo looska.
Cuntooyinka aan lacuneyn
Hadii aad rabto in aad dhisto jirkaaga yeelatana Six Packs kadhaqaaq cunooyinka La warshadeeye, kuwa gasaceysan Kuwa macmacaanka sida Jalaatada iyo Doolshaha sidookale cunooyinka fudfudud
Biyaha
hadii aad cabto maalinkasto 2.5 Liters oo biyo ah waa iska caadi sidoo kalena waxaa larabaa in aad cabto Galaas weyn oo biyo ah ama Shaaxa cagaaran kahor Cuntada.
5ta Qodob
1: Crisscross
nuucaan waxa sameyhee adiga oo madaxa kor uqaadayo sidoo kalana lugaha kor uqaadayo waxaana isdhaafsiihee lugahaaga mudo 30 ilbiriqsi ah adiga oo dhulka dhigeyn
nuucaan waxa uu si gooni ah udhisayaa qeybta ay iska galaan feeraha Murqaha dul saaran
qaabkaan waa qaabka ugu adag in lasameeyo waxa uuna leeyahay muhiimad gaar ah.
2: Crossover Crunch
Nuucaan waa qeyb kale oo aad u muhiim ah waxa aad sameyneesaa sida sawirka kamuuqato muddo 30 ilbiriqsi ah lug kasto waxa ay dhiseysaa murqaha kore ee xabadka.
3: Crunch
Qaabkaan waa Qaabka 3aad waa qaabka ugu fudud oo lasameeyo waxaa sameyneesaa 30 ilbiriqsi waxa uu muhiimad uleeyahay murqaha sare ee xabadka
4: Flutter kicks
Qaabkaan waxa uu kadaba dhawyahay qaabka 1aad kaliya waxa uu ugu duwanyahay lugaha ayaa kor lageyhaa ayada oo madaxa dhulka laga qaadayo sida kamuqato Sawirka waxa uu muhiim uyahay dhamaan murqaha xabadka.
5: Heel Touch
waa Nuuca ugu danbeeyo waxaa sameyneesaa hal mar ayaad cirbaha soo taabaneysaa labadaads gacan waa qaab aad umuhiim ah waana qodobada aan soo sheegnay lugaha ayaad iska yara dhaqaajineysaa kadib madaxa ayaa sifiican kor ugu soo qaadeysaa adiga oo taabanaayo cirbaha.
Waa maqaal fiican. Howshaanu joogteyn ayay u baahantahay.
ReplyDelete