Sida caadiga ah Safarada dhaadheer ee lagu tago magaalada Makkah si looguto waajibaadka Xajka waxaa la isticmaalaa Diyaarad, laakin lamaane udhashay wadanka Indonesia ayaa kutagay si cajiib ah.
Hakam Maburi iyo xaaskiisa Rofigatul Islamiah ayaa isla wadaagay farxada safarkoodi isbiimenta ahaa, waxa ayna kusafreen Baaskiil ayagoo jaray masaafo dhan 12,000 km taas oo ku qaadatay Hal sano waxa ayna sii mareen 7 wadan.
kahor inta ayna safarkoodi bilaabin 17/12/2016, waxa ay bil iyo bar isku diyaarinayeen magaaladi ay ku noolaayeen ee Malang.
Lamaanaha ayaa nashqada baaskiilka udiray shirkad waxaana loo nashqadeeye Baaskiil leh labo kursi, meel lasaarto boorsadaha iyo labo badeele oo lagu xoojinayo xawaaraha Baaskiilka.
waxa ay dhiirogalin ayo taageero kaheleen dadkii iyo ururadii kunoolaa meelaha ay siimareen, ayagoo sheegay in ay go'aansadeen in ay faafiyaan fariin nabadgalyo.
Maburi ayaa sheegay sababta ay u doorteen baaskiilka in ay tahay muujinta Wada noolaashaha nolosha Guurka, sidookalana waxa ay sheegeen in Ninka iyo Naagta isqabo laga doonayo in ay sameeyaan isbadal faro badan.
" Baaskiilka waxaa uu kubaraa xaaladaha kaladuwan ee Nolosha, marka aad meel sare hiigsaneyso waxaa larabaa in aad si adag ushaqeyso, marka aad meel hoosa aadana waxaa larabaa in aad isxakameyso" sidaa waxaa yiri Maburi.
Xaaska maburi ayaa sheegtain ay horay u ogeed isbiimenta ninkeeda waxa uuna isku biimeeye meelo badan gudaha iyo Dibada wadanka.
Maburi ayaa sgeegay kahor intaana ay safarkoodi bilaabin in uu waxbadan kabartay dhaqamada dadka ay lakulmi doonaan, sidoo kalana waxa ay aad u isticmaalen GPS iyo Google Maps.
Safarka Maburi oo kasoo bilaabmay Indinesia waxa uu soomaray Malesia, Thailand, Myanmar iyo India, sidoo kale India waxa uu ugu sootalaabay Jordan ama Urdun kadib Masar ugu danbeyna Sucuudiga.
Cuntada ay cunayeen intay kusafrayeen wadamadaan Maburi wax dhib ah uma arag, laakinn xaaskiisa ayay ku adkaatay in ay laqabsato Cuntadaan kala duwan, waxa aaana miisaankeeda kadhacay 5kg.
No comments:
Post a Comment