Warbixin: Haliimaha Binti Yacquub ayaa naqatay madaxweynaha Dalka Singabuur bishii 9aad ee sanadkaan 2017 hadaba waa tuma HaliimaBinti Yacquub.
Haliimah Binti Yacquub waxa ay dhalatay 23 Agoosto 1954 kii, waa siyaasi rug cadaa ah aadna looga yaqaan wadanka Singabuur, sidookalana waxa ay katirsantahay Xisbiga People's Action Party (PAP) waxa ayna kasoo qabatay Xisbiga dhaxdiisa xilal kala duwan.
Aabeheed waxa uu dhintay ayadoo 8 jir ah waxa uuna katagay ayada iyo 4 caruur ah oo kale, waxaana sookoriyay Hooyadeed, qoyskeeda hanti sidaa ah maheysan, waxa ayna caawin jirtay hooyadeed oo waxyaabo kala duwan iibin jirtay
Waxbarashadeeda
waxa ay aaday Iskuulo kala duwan yaraanteedi kahor inta ayna galin Jaamacadda ladhaho National University of Singabuur, waxa ayna Shahaadadii ugu horeyse qaadate 1978, sidoo kale shahaadadii labaad waxa ay qaadate 2001, ugu danbeyna waxaa loo aqoonsaday in ay tahay Diktoorad culuumta sharciga darasta sanadkii 2016.
Waayaheedi Siyaasadda
waxa ay masraxa Siyaasada kusoobiirtay 2001 dii, waxa ayna naqatay xubin katirsan aqalka baarlamaanka.
sidookale 2011 kii, waxa ay naqatay Wasiirka hourmarinta bulshada, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.
isku shaandheen lasameeye 2012 waxa ay naqatay Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Bulshada.
Afhayeen Baarlamaan
Janaayo 8, 2013 reysal wasaaraha Wadanka ayaa umagacaabay xilka waxa ayna naqatay Afhayeenka baarlamaanka Wadanka, kadib markuu iscasilay Afhayeenkii kahoreeye.
Madaxweyne
walow Siyaasada wadanka Singabuur aytahay Mid awoodaha sare inteeda badan uu baarlamaanku leeyahay ayaa hadana madaxweynaha Shaqadiisu waxa ay tahay in uu yahay Madaxa dalka, halka Reysal wasaarahana uu yahay Madaxa Dowladda, ayaa hadana Haliima Yacquub, 13 September 2017, waxa aynaqatay madaxweynaha wadanka Singabuur, waa hooyo leh 5 caruur ah waxa ayna hada tahay Madaxweynaha Dalka.
si aad u hesho waxbadan Like saar Facebook Page Caano Magazine
No comments:
Post a Comment