Meeqo Liitar oo Biyo Ah ayaa larabaa In aad Cabto Maalin walbo? - Caano Magazine

Sheekooyin xiiso leh, Layaabka Dunida, Warbixino, Maqaalo, Ganacsi iyo waxyaabo kale. Like Saar Facebook Page: Caano Magazine

Post Top Ad

Responsive Ads Here

Tuesday, December 19, 2017

Meeqo Liitar oo Biyo Ah ayaa larabaa In aad Cabto Maalin walbo?

warbixin muhiim ah: waxaa halkaan kusoo gudbineynaa inta liitar oo biyo ah oo larabo in uu qofku cabo maalin kasto, waxaana ukala fireynaa hadba qofka iyo da'da uu jiro.




waxaa macquul ah in aad horay umaqashay dhowr Galaas oo biyo ah in lacabo maalin kasto in ay caafimaadka ufiicantahay, hadaba meeqo Galaas oo biyo ah ayaad cabeysaa maalinkasto?

Machadka lagumagacaabo Institute of Medicine (IOM) waxa uu kutalinayaa in  ay Ragga cabaan 13 koob oo biyo ah maalinwalbo, halka Dumarana ay kula taliyeen in ay cabaan 9 koob maalin walbo.

Talooyinka Biyaha

Inkastoo aytahay biloow fiican in lacabo 8 Galaas oo biyo ah maalin kasto, hadana waxaa fiican in lagaarsiiyo inta kor kuxusan ayay warbixintu leedahay, culeyska jirkaaga 60% waxa uu ka koobanyahay biyo, hadana qeybkasto oo jirkaaga kamid ah oo shaqao qabaneyso waxa ay ubaahantahay in ay hesho biyo kufilan.

Dadka waaweyn

Talooyinka ay bixineyso (IOM) ayaa ah in Ragga da'dooda dhaaftay 19 sano ay cabaan maalin walbo 3.7 liitar oo biyo ah, halka dumarkuna ay cabaan 2.7 liitar oo biyo ah, taasi micnaheedu ma ahan in aa cabto biyo kaliya ee waa inaa cunto waxyaabaha biyaha badan laga helo sida Qudaarta.

Caruurta


talooyinka kusabsan caruurta ayaa ah wiilasha iyo gabdhaha da'dooda udhexeyso 4 ilaa 8 sano in ay cabaan 5 Galaas oo biyo ah maalin walbo.

sidookale warbixinta ayaa sii raacisay in Dumarka uurka leh ay haboontahay in ay cabaan 10 Galaas oo biyo ah, halka Dumarka naas nuujinta kujirana ay haboonthay in ay cabaan 13 Galaas oo biyo ah maalin walbo.

Galaaska lasheegaayo cabirkiisa laguma xusin warbixinta, laakin waxaa kaqiyaas qaadan kartaa inta Liitar ee lagu xusay warbixinta.

si aad uhesho warbixino dheeraad ah nagala soco Facebook Page: Caano Magazine

2 comments:

Maroodi yar oo Kalaburiyay Dad rabay in ay Muuqaalo Kaduubtaan

Warbixin: Maroodi yar kaas oo ay kala lumeyn Maroodiyaalkii uu lasocday ayaa la arkay asigoo kala ceyrinaaya dad rabay in ay muuqaalo kad...

Post Bottom Ad

Responsive Ads Here

Pages