warbixin: Sawiro:- Sifudud guri udhiso adigoo isticmaalaya caagadaha biyaha moysaxada laga dhameeyo, kuwaas oo qashinka lagu daro marka biyaha laga dhameeyo. hadaba qaabkee loosameeyaa Guriga?
way adagtahay in guri larabo in lagu noolaado laga sameeyo caag ayadoo meesha laga saarayo dhagixii ama bulukeetigii lagu dhisi jiray guryaha taas oo jirto hadana wadamo badan oo caalamka kuyaal waalaga sameeye, guryaha qaar markaa aragtana waaba ka qurxanyihiin guryaha dhagaxa ama bulukeetiga laga sameeyo.
Sidee loosameeyaa
Waxaa la isticmaalaa caagta laga dhameeyo biyaha moysaxada, waxaa la qasayaa carada caaadiga ah markaa kadib ayadhoo dhiiqo ah ayaa lagu shubaa caag walbo kadib waxaa labilaaba dhismaha guriga, caag walbo caaga kale ayuu qabsanaa kadib dushaa laga malaasaa, laakiin marka hore waa in lahelo tiirar celiyo guriga.
muxuu uga duwanyahay Guriga caadiga ah?
dhisidda gurigaan qarash badan kuma bexeyso loomana baahno shaqaale dhiso, sidaa darteed way fududahay in ladhisto guri nuucaan ah, maanta dadyow badan oo kunool daafaha dunida ayaa dagan guryaha nuucaan ah.
si aad uhesho wax walboo xiiso leh Like saar Facebook Page Caano Magazine.
No comments:
Post a Comment