10 ka Diyaaradood oo ugu weyn aduunka dhanka wax qaadka 2017-2018 - Caano Magazine

Sheekooyin xiiso leh, Layaabka Dunida, Warbixino, Maqaalo, Ganacsi iyo waxyaabo kale. Like Saar Facebook Page: Caano Magazine

Post Top Ad

Tuesday, December 5, 2017

demo-image

10 ka Diyaaradood oo ugu weyn aduunka dhanka wax qaadka 2017-2018

Responsive Ads Here

Halkaan waxaa kusoo gudbeynaa 10ka diyaaradood ee ugu waxqaadka badan aduunka 2017-2018 anagoo kafiireyno mid kasto inta qof ay qaadi karto halkii mar ama inta alaab ay qaadi karto.

waxaan ka soobilaabeynaa mida 10aad hoos ayaana usoo wadeynaa ilaa laga gaaro tan 1aad waana kuwaan.

10. Airbus A340-500

airbus+A340-500












Diyaaradaan oo ey sameysay shirkad laga leeyahay Yurub looguna tala galay in ay dadka qaado ayaa waxey halkii mar qaadi kartaa rakaab gaaraya 375 qof

9.Airbus A350-900

airbus+A350-900











waa Diyaarad dheer 2 matoor leh, dhaxdana balac ka ah waaxaa sameeyay shirkad yurubiyaan ah, waa diyaarad raaxo, waxaa ay qaadi kartaa 325 qof waxaana loonashqadeeye qaab sadex dabaq ah. qiimaha diyaaradaan waa $308.1 million.

8.Boeing 777-300

boeing+777-300










waa Diyaarad ganacsi oo  loo nashqadeeye qaab dheer waa diyaarada ugu weyn diyaaradaha labada matoor leh, waxay halkii mar qaadi kartaa 386 qof , shidaal badana macunto waa diyaaradii ugu iibsiga badneyd ay shirkadaan sameyso.

7. Antonov An-22 

antonov-an-22












waa Diyaarad milatari waxa ay qaadaa saadka ciidanka, waxaa lasameeye xiligii midowgii suufiyati , laakiin waayahaan danbo aad ayaa loo isticmaala waxaana laga heli karaa goobo badan oo ciidan sidoo kale waxaa lagu aqaadaa gargaarka.

6. Antonov an-124

antonov+an-124













waa Diyaarad (Cargo) nooc alaabaha qaado, waxaa lagu sameeye dalka Yukreen, qiimaha diyaaradaan waxa uu udexeeyaa $70 ilaa 100 million

5. Airbus A340-600

airbus+A340-600











waa Diyaarad dheer, balac leh waxaa lasameeye nooceedi ugu horeeye 1993, waxaana lagu farsameeye yurub, waxey leedahay 4 matoor, waxa aynaa qaadi kartaa 350 qof, waloow ay qaadi karto in kabadaan dadkaas hadana sida caadiga intaas ayaa lagu qaadaaa.

4. Boeing 747-400

Boeing_747-400













Waa Diyaarad ganacsi waa mid caan ku ah qaadista dadka rakaabka ah, waxaa raaci karosida caadiga ah 416 qof waloow ay qaadi karto in kasiibadan hadii loogu talo galo. qiimaha Diyaaradaana waa $234 million.

3. boeing 747-8i

boeing+747-8i











waa Diyaarad ganacsi waxaa sameeye shirkadda Boeing, waxa ay qaadi kartaa 467 qo iyo kasii badan hadii loogu talagalo, waa diyaaradii  ganacsi ee ugu weyneed taas oo lagu dhiso wadanka Mareekanka, qiimaha Diyaaradaan waa $379 million.

2. Airbus A380-800

airbus+A380-800











waa Diyaarad 2 dabaq ah  4 Matoor, waa diyaarada ugu weyn aduunka ee rakaab qaado waxa ay halkii mar qaadi kartaa 525 qof sida caadiga ah , qiimaha diyaaradaan waa $432 million.

1. Antonov An-225 mriya

antonov+an+255+myira











waa Diyaarad xamuul waana Diyaarada ugu waxqaadka weyn sanadkaan 2017, waxa ay qaadi kartaa 640 tons. dhamaad
nagala sococo www.facebook.com/caanoMagazine    Mahadsanid

No comments:

Post a Comment

Halkaan waxaa kusoo gudbeynaa 10ka diyaaradood ee ugu waxqaadka badan aduunka 2017-2018 anagoo kafiireyno mid kasto inta qof ay qaadi karto halkii mar ama inta alaab ay qaadi karto. waxaan ka soobilaabeynaa mida 10aad hoos ayaana usoo wadeynaa il...

Post Bottom Ad

Pages

Contact Form

Name

Email *

Message *