Mohamed Salah oo ku Guuleystay Laacbka Sanadka Horyaalka Ingiriiska 2017/18 - Caano Magazine

Sheekooyin xiiso leh, Layaabka Dunida, Warbixino, Maqaalo, Ganacsi iyo waxyaabo kale. Like Saar Facebook Page: Caano Magazine

Post Top Ad

Monday, April 23, 2018

demo-image

Mohamed Salah oo ku Guuleystay Laacbka Sanadka Horyaalka Ingiriiska 2017/18

Responsive Ads Here
salah1

Warbixin: Mohamed Salah Laacibka kooxda Liverpool iyo xulka Masar ayaa kuguuleystay xidiga ugu fiican Horyaalka Ingiriiska sandka 2017/18



Mohamed Salah ayaa abaalmarintaan kaga guuleystay xidigaha kala ah: Kevin de Bruyne, Harry Kane, Leroy Sane, David Silva and David de Gea.

25 jirkaan udhashay dalka Masar, weerarkana kaga ciyaara Naadiga Liverpool ayaa sameeyay bandhig cajiib ah xili ciyaareedkan, waxa uu kadhaliyay horyaalka Ingiriiska 31 Gool, halka tartamada dhan uudhaliyay 41 gool.
salah

Mohamed Salah oo horay ugu guuleystay xidiga ugu fiican qaarada Africa, sidookalana xidiga ugu fiican carabta, 3 bil oo isku xigtana kuguuleys xidiga ugu fiican horyaalka ingiriiska ayaa markaan hadana kuguuleystay abaalmarinta xidiga ugu fiican horyaalka Ingiriiska.





salah2
Waxa uu hada hogaaminayaa Gool dhalinta horyaalka ingiriiska asagooleh 31 gool waxa uuna jabiyay rikoorkii ahaa xidiga ugu gooldhalinta badan horyaalka ingiriiska kana soojeeda qaarada Africa.

Mohamed Salah ayaa sidookale kaqeybqaatay in kooxda Liverpool ay soogaarto Semi-finalka horyaalka UCL waxa ayna maalinta beri ah laciyaari doonan lugta 1aad kooxda Roma.

No comments:

Post a Comment

Warbixin: Mohamed Salah Laacibka kooxda Liverpool iyo xulka Masar ayaa kuguuleystay xidiga ugu fiican Horyaalka Ingiriiska sandka 2017/18 Mohamed Salah ayaa abaalmarintaan kaga guuleystay xidigaha kala ah: Kevin de Bruyne, Harry Kane, Leroy...

Post Bottom Ad

Pages

Contact Form

Name

Email *

Message *